Sign in to follow this  
Maaddeey

Dagaalkii shalay (Isniin, 3 May) gelinkii dambe oo Askar TFG lagu laayey

Recommended Posts

Maaddeey   

alshabaab-logo.jpg

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Faah Faahisay Dagaal Maleeshiyaadka DKMG lagu Jebiyay oo Shalay gelinkii dambe Muqdisho ka dhacay.

Tuesday, 04 May 2010 07:06 administrator Wilayaada Islaamiga Banaadir Xarakada Shabaabul Mujaahidiin aya afaah faahin dheeri ah ka bixisay dagaal culus oo shalay gelinkii dambe magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Xoogaga Islaamiyiinta iyo Maleeshiyaad katirsan Qabuura galeenka iyo Dowlada KMG ah oo ay kaabayaan shisheeyaha AMISOM.

 

Sheykh Cali Maxamed Xuseen Abuu Jabal Waaliga Wilaayada Islaamiga Banaadir oo shir Jaraa'id qabtay ayaa shaaciyay in ciidamada Mujaahidiinta ay guulo ka gaareen dagaalkii shalay ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama.

 

Waaligu wuxuu ugu bishaareyay shacabka Muslimiinta ah in Hub badan laga furtay qolooyinkii shareeca diidka ahaa islamarkaana laga laayay ilaa iyo 9 Maleeshiyo oo Siigaale isbaaro u tiilay.

 

Mas'uulkan katirsan Shabaabul Mujaahidiin wuxuu carrabka ku dhiftay in Mujaahidiintu ay gubeen gaari dagaal oo ay lahayd DKMG ah kaasi oo ka dagaalamayay degmada Hodon, dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama ayaa kamid ahaa dagaaladii ugu Khasaaraha badnaa ee DKMG ah iyo xulufadeeda soo gaara.

 

Dhinaca kale Maydadka Maleeshiyaadkii Qabuura Galeenka Mushrikiinta ah iyo DKMG ah ayaa saaka lagu arkay xaafadihii lagu dagaalamay, maydadka saaka la arkay waxaa kamid ah Maleeshiyaad daacad u ahaa Yuusuf Indho Cadde.

 

Xaaladda ayaa saaka degan waxaana si caadi ah u socda isku socodka gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha suuqa bakaaraha iyo deegaanada kale oo ay AMISOM iyo DKMG ah Muqdisho ka maamulaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this