Deeq A. Posted June 20, 2024 𝘾𝙀𝙀𝘽𝙏𝙄𝙄𝙎𝑨 𝙈𝘼𝘼𝙃𝘼𝙉 𝙀𝙀 𝙒𝘼𝘼 𝘾𝘼𝘼𝘿𝘼𝘿𝙄𝙄𝙎 Waxaan goor dhaweyd daawaday khudbadii Walaasheen Wasiir Fawsiyo Yuusuf Xaaji. 𝙆𝙤𝙤𝙬: Waligay garnaqsi ka culus oo ka degan maanan arag. 𝙇𝙖𝙗𝙤: Madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisaan labaad, waa markii labaad oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabdho Soomaaliyeed. Ileen waxaa jirtay, in mudo xileedkiisii hore uu sidaan oo kale falay, oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabar Soomaaliyeed. Marka ceebtiisa maahee waa caadadiis. 𝙎𝙖𝙙𝙙𝙚𝙭: Ahlul Qubuur qof u diir nixi waayey oo soo faagay walluusan u danqaneynin Inanta Halgamaa Yuusuf Xaaji Aadan iyo Xaaska Jeneraal Aftooje. 𝘼𝙛𝙖𝙧: Khaladka ugu weyn ee ay Fawsiyo nafteeda ka gashay waa ineysan Xasan Sheekh fahamsiinin fursadaha dhaqaale iyo qandaraas oo ay usoo dhicin karto hadduu kursigaas la raadiyo. Haday taas fahamsiin lahayd Ciil walaal dhag jalaq uma siiyeen. Macal Asaf – Fahad Yaasiin Qaran News Share this post Link to post Share on other sites