Deeq A. Posted June 17, 2024 Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa markii u horraysay maanta booqanaya Kuuriyada waqooyi mudda ku siman 24 sano. Madaxweyne Putin ayaa la kulmi doona hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo ay wadahadal ku yeelanaya caasimadda Pyongyang. Labada hogaamiye ayaa bishii Sebtembar ku kulmay magaalada Vladivostok ee dalka Ruushka balse waa booqashadii ugu horeysay ee Mr Putin uu ku tago Pyongyang tan iyo sanadkii 2000. Warbaahinta Ruushka ayaa ku warranaysa in Mr Putin iyo Mr Kim laga yaabo inay kala saxiixdaan heshiis iskaashi, oo ay ku jiraan arrimaha ammaanka, waxayna si wadajir ah bayaanno u siin doonaan warbaahinta. Dhinaca kale Maraykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa si weyn uga walaacsan xiriirka sii xoogaysanaya ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo ay u arkaan khatar ka dhan ah danahooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Ruushka oo maanta booqanaya Kuuriyada Waqooyi appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites