Sign in to follow this  
Qudhac

SL ministers meet safiirka taliyaha ciidamada maraykanka

Recommended Posts

Qudhac   

Jabuuti (Jam)- Weftigii Wasiirada Somaliland ee booqashada ku joogay Jabuuti, ayaa shalay la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Jibuuti, Mr. Helland iyo Sarkaakiil Sar-sare oo ka tirsan ciidamadaasi.

 

 

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, kulankaas ay weftigu la yeesheen Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jibuuti waxa lagaga wada hadlay Xaaladda Ammaanka Gobolka Geeska Afrika iyo sidii iskaashi ay uga yeelan lahaayeen Somaliland iyo Maraykanku dhinaca ammaanka.

 

 

Waxa kale oo ay waftiga Somaliland iyo saraakiisha Maraykanku ka wada hadleen sidii tababaro loo siin lahaa Ciidamada Ilaaliya Xuduudaha iyo Badda Somaliland.

 

 

Warku waxa uu sheegay in weftigu ay isla shalay la kulmeen Safiirka Dawladda Maraykanka u fadhiya dalka Jibuuti, Mrs. Margueriti Dianne, taas oo ay uga warameen Xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada Arrimaha Bulshada, waxaana ay weftigu ka codsadeen inay dawladda Maraykanku Somaliland ka caawiso Doorashada Baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this