Sign in to follow this  
Rokko

The Governor of Sanaag visits 58 Sanaag towns

Recommended Posts

Rokko   

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG, MAXAMUUD SICIID NUUR OO WARBIXIN KA BIXIYAY XAALADDA ABAARTA EE GOBOLKA.

Kadib markii ay wafti ka socda Maamulka Puntland kormeer ku soo mareen Gobolka Sanaag ayna u kuur galeen Xaaladda Abaarta ee ka jirta Gobolka ayaa warbixin ku saabsan abaarta waxaa soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud

Saciid.

 

Warbixintan oo ka kooban lix bayj uuna ku saxeexan yahay Godoobiyaha Gobolka Sanaag ayaa waxay u qorayd sidan:

 

 

DAWLAD G. PUNTLAND ............. PUNTLAND STATE

EE SOOMAALIYA ................. OF SOMALIA

 

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA

XAFIISKA GUDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG

 

 

Ku :- Wasiirka Arr. Gudaha iyo Amniga .........Garoowe

Ku :- Guddiga Abaaraha DGPL .........Garoowe

Ku:- Saxaafada Madaxa Banaan .........barahooda

Ku :- Hay’adsda Horn Relief ..........Fadhigeeda

Ku :- Hay’adda WFP ..............Bosaaso

Ku :- Jaaliyada Dibedda ee Gobolka Sanaag ........Fadhigooda

Ku :- Wakiillada Hay’adaha Samo-fal ee Caalamiga ah......... Fadhigooda

Og :- Madaxwenaha DGPL ...........Garoowe

 

 

Ujeeddo :- Warbixin ku saabsan Xaaladda Abaarta Gob. Sanaag.

 

Mudanayaal, Ka dib markii aannu 14-25/12/2003da kormeer u kuurgal iyo qiimayn ah

ku soo wada samaynay dhammaan degaammada Gobolka Sanaag ka koobmo, waxannu

halkan idiinku soo gudbineynaa xaaladda Abaarta Gobolka Sanaag, gaar ahaan

Dhibta abaartu sababtay, Wixii deeq iyo gargaar ah ee Bulshada Gobolku heshay

iyo Baahida taagan, waana sida hoos ku qoran :-

I. Degaamada Gobolku ka koobmo:-

 

Degaamada Gobolku ka koobmo ee aannu soo kormeernay waa sida hoos ku qoran :-

 

a) Degmada Badhan:-

1) Badhan

2) Xingalool

3) Hadaaftimo

4) Ceel-buh

5) Sibbaaye

6) Dhabar-dalool

7) Dawoco

8) Jiin-gadda

9) Qoyan

10) Gurmale

11) Geed-la-rifay

12) Haylaan

13) Laako

14) Rad

15) Min-diingale

16) Wardheer

17) Gooraan

 

 

b) Degmada Dhahar:-

1) Dhahar

2) Ber-kedaha Qol

3) Buraan

4) Balli-Busle

5) Kala-dhac

6) Af-urur

7) Ceelaayo

8) Marraje

9) Booxaaro

10) Cawsane

 

c) Degmada Ceerigaabo :-

1) Magaalada Ceerigaabo ****lama tegin si nabada dadka dhibaataysan loo ilaaliyo,

2) Damalla-Xagarre

3) Shimbiraale

4) Fiqi-fuliye

5) Carmale

6) Yubbe

7) Jiidali

8) Nin-ku-jooge

9) Ceel-la-qoday

10) Ardaa

11) Dib-qarax

12) Biyo-Guduud

13) Boodda-Cadde

14) Masagan

15) Madarre.

 

 

d) Degmada Laas-qoray

1) Laas-qoray

2) Xidid

3) Dur-diri

4) Mashaxaleed

5) Xabaashaawacle

6) Milxo

7) Dol

8) Daaddan

9) Markad

10) Ragaad

11) Mirci

12) Birsinji

13) Cidhbiye

14) Ul-xeed

15) Geel-weyta

16) Laasa-surad

 

II. Dhibaatooyinka Abaartu sababtay :-

 

Sida aannu horeba Maamul ahaan u shaacinnay, Wakiillada hay’adaha Caalamiga ah

qaarkoodna indhohooda ugu soo arkeen, waxa Gobolka sanaag ku dhifatay abaar

muddo Afar (2000-2003) Sano ah socotey; taasoo sababtay dhibaatooyin culus, sida

Xoolihii Noolaa oo intii badnayd 65-75% dhimatay, intii hadhayna Caano iyo hilib

ka dhammaday, wax iibsami karana laga waayey.

 

Haddaba, waxa abaarta ku tabaaloobey dad aad u kala duwan oo ay qaybba si u

saamaysay :-

1) Waxa Caydhoobey oo xoolihii ay ku noolaayeen ka le’deen 70% Dadkii Reermiyiga

ahaa; waxana ilaa haddeer la diiwaan-geliyey Reer-Guuraa xoolo-dhaqato ah oo

dhan 15,000 Qoys; waxana haddii roob la’aantu sii socoto, werwerku yahay in

tiradaasi kor u kacdo, lagana baqayo iney Dhammaadka Febraayo 2004, ilaa

23,000Qoys gaadho.

 

2) Waxa Daryeel, Daawayn iyo nafaqayn waayey Dadkii Qoysaskaasi ku biili jireen

Magaalooyinka ee Miyiga lagu hayn kari waayey, sida:-

a) Ubadka yaraan Waalidkood kaga wada dhintay iyo Waayeelka hawl-gabka ah

b) Naafada Dagaalka.

c) Curyaamiinya, Dadka Waalan iyo Bukaan-jiifka.

3) Waxay Shaqo Beelay oo meel dakhli ka soo galo oo kale waayey Qoysaskii

Maxaysatada Magaalo ahaa ee noloshoodu ku salaysnayd Ka ganacsiga Hilibka,

Caanaha iyo Haragga Xoolaha Miyiga laga keeno, Dillaalidda kala iibsiga Xoolaha

Nool iyo waxa ka soo baxa, Ka shaqaynta Xoolaha, sida Raaciga, Xeraynta,

Waraabinta iwm. Sida :-

a) Xaasaska Agoonta ah

b) Qaxootigii 1993kii la soo celiyey.

c) Qaysaskii Dagaalladii Sokeeye 1991 Gobollada kale ka soo bara kacay.

d) Dadkii saboolka magaalo horeba u ahaa.

 

III. Xaaladda Cunto-yaraanta iyo nafaqo la’aanta.

 

Marka qiyaas ahaan cel-celiska Xubno-qoyseedka lagu soo koobo ilaa 6-qof, waxa

la odhan karaa, waxa Gobolka sanaag Raashin yaraan iyo nafaqo darro ku haysaa,

Cudurro iyo Gaajona halis ugu jira, Dad ka badan ilaa 140,000 Qof.

 

Haddaba, waxan Dhammaan Meelaha Qoraalku khuseeyo ugu baaqaynaa in Dadkaas

gurmad iyo gar-gaar aadaminimo lala soo gaadho.

 

IV. Caawimooyinkii Dadka Gobolku Helay.

 

Guud ahaan, Bulshada Gobolka Sanaag ee Abaartu ku habsatey, waxa guurmad u

fidiyey DGPL oo ugu deeqday 25-Foosto oo Naafto ah; Hay’adda Horn Relief oo u

keentay 225Foosto oo shidaal ah iyo Hay’adda WFP-Boosaaso oo soo gaadhsiisey

5,167 Qoys oo caydhoobey Raashin dhan Galley 5,167 Kiish; Misir 517 Kiish iyo

Saliid Cunto 641 Kortoon; taasoo qoyskiiba siisay Gallay Hal Kiish, misir 10Kg

iyo Saliid 5kg. Waxana Caawimooyinkaas sidii looga faa’iidaystey ku

faah-faahsan tahay Shaxdan hoose :-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this