Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: President Faroole to open Parliment.

Recommended Posts

Garowe: Madaxweyne Faroole oo isku diyaarinaya furitaanka Fadhiga baarlamaanka Puntland & Khudbadiisa oo dad badan sugayaan.

30. oktober 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed oo waday maalmihii lasoo dhaafay diyaar garoow ku aadan hortagida baarlamaanka Puntland, ayaa ku jira diyaar-garoowgii ugu dambeeyey, waxaana lafilayaa in uu beri subax, hadii alle Idmo hortago Mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo uu hortooda ka aqriyo khudbad ku aadan xaaladaha qalafsan ee ka taagan Puntland.

 

Ilo-wareedyo ku dhow Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa galabtay usheegay AllPuntland, in uu Madaxweynuhu khudbad dheer ka jeedin doono fadhiga baarlamaanka Puntland ee berito oo sabti ah dhacaya, wuxuuna ku soo qaadi doonaa xaaladaha Amaan, Horumar, Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Burcad badeed ee Puntland, isagoo si gaar ah usoo qaadaya qodobada ay ka mid yihiin amaanka iyo Horumarka oo ah waxyaabaha aad looga doonayo in uu ka hadlo.

 

Mudanayaasha baarlamaanka oo ay qaarkood APL kula kulantay Caasumada Puntland ayaa usheegay in ay dhowrayaan khudbadda Madaxweynaha Puntland, dhinacyada ay sida tooska ah utaabatom, ayagoo sheegay in ay jiraan xaalado xasaasi ah oo ka taagan magaalooyinka Puntland badankooda, sida Boosaaso oo ay jiraan dad careysan oo sheegaya in la dhiibay nin udhashay Ismaamulka Soomaalida, Gaalkacyo oo ay ka jiran dagaalo udhaxeeya Puntland & Galmudug iyo Sanaag Bari Puntland oo laga sheegayo xiisado dagaal oo ay soo abaabulayso Somaliland.

 

Xaaladahan xasaasiga ah ayaa lafilayaa in ay abaarto Khudbada Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo ugu dambeysay in uu horyimaado Mudanayaasha baarlamaanka Bishii June, markaas oo uu doonayay in ansixin lugu sameeyo Wasiiradiisa oo tiro badnaa iyo Dastuurkii ay dibu habeynta ku samayso Xukuumadiisu.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan ayaa mudadii uu joogay Xaafiiska Madaxweyne-nimada Puntland waxaa dhacay dhibaatooyin kala gedisan, kuwaas oo ka dhacay meelo kamid ah Puntland, Xukuumadiisana lasheegay in ay xalintoodii intii badneyd ku guuleystay, warar hoosaadyada ayaa sheegaya in uu sidoo kale khudbad jeedin doono Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

 

Khudbada Madaxweynaha oo ah mid ladhowrayo ayaa sidoo kale lasheegayaa in uu ku taaban doono waxyaabaha ay ka qabteen falal dhacay, mudadii ay dhisneyd Xukuumadiisu oo ay ka mid yihiin, dilkii Wasiirka Warfaafinta Maamulkiisa, talaabadii ay Itoobiya ku gashay Gaalkacyo,qab-qabashada dadka udhashay Kilalka Shanaad, dagaaladii Bari meelo kamid ah iyo Heshiiskii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug uu kula galay dawladda faderaalka ee Soomaaliya.

 

Baarlamaanka Puntland ayaa ka dib furitaanka fadhigadooda, waxaa ubilaaban doona dood xoog leh oo ku aadan mustaqbalka Puntland iyo arrimaha hada ka jira, ayagoo qaadan doono doodo xoog leh oo ku aadan xaaladaha Siyaasadeed, amaan iyo midnimada Puntland, waxa ayna su'aalo weydiin doonaan Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amniga oo ay uyeeri doonin sida ay tabaaxayaan wararka laga helayo gudoonka baarlamaanku.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Pilgrim, yes that is one of the criticism I have regarding Farole admin, he continuous stalling of the oil project.

 

He just wants to have nugaal valley first drilled before dharoor, so his people can benefit naturally.

 

Others are suggesting he wants to switch companies to more "lucrative" chinese firms.

 

Some are even saying he is trying to re-write history and put himself in the books as the one who brought the oil to Puntland and undermine Cade Muse.

 

This is all low-level qamarijiyal talk at the cafe between the kings on farole slugginess towards the development of puntland.

 

Anyways We will and see what the commander of chief has to say, because he needs to hold a press conference in relation to these latest skermishes in galkacyo and xingalol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pilgrim   

Cowke, AOC could call Force Majeure if Farole tried anything and tie it up in the international courts so long that no one would benefit for years. Farole is just trying to squeeze the deal once again for his own personal gain.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this