Deeq A. Posted May 26, 2024 Kooxaha Falastiiniyiinta Qasa iyo Xisbullah, Lubnaan ayaa tan iyo galinkii dambe ee maanta weerarro gantaallo ah ku qaaday deegaannada ay Israa’iil haysato ee Tel Aviv iyo magaalooyinka ku yaalla koonfurta iyo waqooyiga. Tan ayaa ka dhigaysa muddo bilooyin kaddib markii u horreysay oo weerarro wadajir ah ay kooxahan ku qaadaan Israa’iil, iyagoo gantaallo ka soo ridaya Qasa iyo koonfurta Lubnaan. Sagaal bilood oo dagaalka uu socdo , waxay kooxahan wali awood u leeyihiin inay weerarro gantaallo ah ku qaadaan Tel Aviv iyo guud ahaan magaalooyinka Israa’iil. PUNTLAND POST. The post Xamaaz oo gantaalo laga riday Qaza ku weerartay Israa’iil. appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites