Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Soomaaliya Iran uga tacsiyey dhimashada madaxweynihii Iran iyo masuuliyiin la socday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale ee la socotay diyaarad Helicopter ah oo shil naxdin leh ku gashay gobol ka mid ah dalka Iran.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la socday 3 ka mid ah diyaaradaha Iran, waxaana la sheegay in cimillada oo xumaatay ay sababtay in diyaaradii gaarka aheyd ee siday Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Iran ay ku dhacday dhulka buuraleyda ah ee gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Azerbaijan.

Warbaahinta gudaha ee dalka Iran ayaa ku warameysa in ilaa toddoba qof ay gaareyso tirada masuuliyiinta iyo saraakiisha shilkaas kula geeriyootay Madaxweyne Ibraahim Raisi.

PUNTLAND POST.

The post Dawladda Soomaaliya Iran uga tacsiyey dhimashada madaxweynihii Iran iyo masuuliyiin la socday. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this