Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Saraf uu Ku Tagay Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dib ugu soo laabtay dalka, ka dib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa intii uu joogay Jabuuti waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo madax kale, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dowladood gaar ahaan xiriirka labada baarlamaan.

Sidoo kale Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur wuxuu booqday goobo taariikhi ah oo ay kamid tahay magaalada Carta oo ku dhowaan 25 sano ka hor oo ahayd 2000-dii lagu qabtay shirkii dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, taasoo hadda laga dhisayo matxaf weyn oo Taariikhda laga Keydiyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this