Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin Kasoo Baxaysa Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Aarka degmada Dayniile gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay Wiil yar oo Caseeya ah ayaa ku geeroyooday hooyadiis iyo Walaashiisna dhaawac ayaa kasoo gaaray Qaraxa.

Ma cada sababta dhabta ah ee qaraxan dhalisay waxaana jira warar kala duwan oo qaraxan kasoo baxaya.

Ciidanka Booliska iyo kuwa nabadsugida ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxa ay xireen wadada iyagoo bilaabay baaritaano ku saabsan qaraxa.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo laamaha kale ee amniga ee Soomaaliya

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this