Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo shaacisay waqtiga ay qorsheysay in Shabaab lasoo afjaro

Recommended Posts

Deeq A.   
xuseen-macalin.jpg?fit=1183%2C647&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in qorshihii dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, aanu ‘waxba iska bedelin’ isaga oo intaas ku daray in qiyaasta dowladda ay tahay in Al-shabaab ‘aysan dhaafi doonin bilaha soo socoda’.

“Horumar aan caadi aheyn ayaa laga gaaray dagaalka Al-shabaab. Dagaal marka lagu jiro waxaa dhici kara waxyaabo gaabis ah ama habac ah oo aan markii hore la qorsheyn, laakiin istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka Al-shabaab waxba iskama bedelin” ayuu yiri Xasan Macalin.

Mar uu ka hadlayay marxaladda ay ku sugan yihiin madaxda Al-shabaab ayuu yiri “Dadka Al-shabaab madaxtooda ka warhaya sida ay hadda u fikirayaan waa dad meel raadis ah, laakiin dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la gaarsiiyo wakhtigii is-dhiibi lahaayeen ama ay dalka ka carari lahaayeen.”

La-taliye Xuseen oo wareysigaan siiyey SNTV ayaa sheegay inay dowladda u sahlan tahay inay isa soo dhiibaan madaxda Al-Shabaab.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa intaas ku daray inay jiraan xubno ajaanib ah oo ka tirsan Al-shabaab, oo uu sheegay in la macaamilmooda ay u baahan doonto ‘iskaashi caalami ah.’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dib loo doortay ku dhawaaqay dagaal dhawr weji ah oo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay deegaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabelle, Jubaland iyo Koofur Galbeed ay ka dhaceen kacdoon looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaad ka tirsan dadka deegaanka ayaa Al-shabaab ka xoreeyey magaalooyin, tuulooyin iyo deegaano badan oo muhiim ah.

Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab waxaa sidoo kale taageera duqeymaha Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka iyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Hoos ka daawo

The post Daawo: DF oo shaacisay waqtiga ay qorsheysay in Shabaab lasoo afjaro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this