Sign in to follow this  
ANWAR

Ciidamada Dowlada oo mudo kooban la wareegay isgooyska Bakaaraha kadib dagaal galabta

Recommended Posts

ANWAR   

Iska hor’imaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Maleeshiyada Shabaab ayaa galabta ka dhacay isgooyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Iska hor’imaadkani ayaa ka danbeeyay kadib markii Ciidamada Dowlada ay si farsameeysan uga duldhaceen Maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugnaa isgoyska Bakaaraha, waxeeyna ciidamadu halkaasi ku dileen Afar ka mid ahaa Maleeshiyadaasi, iyadoo ciidamada Dowladu ay muddo kooban la wareegeen gacan ku heeynta Isgooyskaasi, kadib markii ay ka ceeyriyeen Maleeshiyaadkii fariisinta ku lahaa isgooyskaasi.

 

Warka ayaa intaa ku daraya in ciidamada dowladu ay Maleeshiyaadkaasi ka furteen hub iyo saanad kaladuwan, inkastoo ciidamada dowladu ay gabaldhicii caawa dib uga soo laabteen halkaasi.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Maleeshiyaadka Shabaab oo careeysan ay halkaasi ku dileen 15-qofood oo rayid ah, kuwaas oo uu ka mid ahaa nin gaarigacan ku xoogsanayay.

 

Dhanka kale duqeeymo kala duwan oo maanta ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 9-qodood oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen in kaban 30-ruux,kuwaas oo ay madaafiicdu ugu tagtay xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Howlwadaag, waxaana dhaawaca dadkaasi la gaarsiiyay Cisbitaalada waaweeyn ee magaalada Muqdisho..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this