Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo ka walaacsan gantaalo cusub oo soo bandhigtay Xisbullah

Recommended Posts

Deeq A.   
c8a11f10-14c5-11ef-976f-87c9f89e656e.jpg

Isticmaalka gantaallada S5 ee Xisbullah ayaa sare u qaaday welwelka Israa’iill ee ku aaddan horumarinta hubka ay deegsanayaan kooxdan.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo Xisbullah ay adeegsato diyaarad aan duuliye lahayn oo ku hubeysan gantaallada, halkii ay ka isticmaali jireen walxaha qarxa oo kooxda Lubnaan ay inta badan adeegsanayeen muddo bilo ah.

Khabiirka millatariga ee reer Lubnaan Janaraal Hisham Jaber, oo ah madaxa Xarunta Barriga Dhexe ee Daraasaadka iyo Xiriirka Dadweynaha, ayaa sheegay “ganaalada waxa ay gaaraan bartilmaameedka saxda ah marka loo eego bambooyinka laga soo tuuro diyaarad aan duuliye lahayn.”

Shabakad ay Xisbullah ku leeyihiin barta Telegram-ka ayaa waxaa la soo dhigay sawirka nooca gantaalaha aan la hagi karin ee Ruushka ee S5, kaas oo dhererkiisu yahay 1.4 mitir, miisaankiisuna yahay afar kiilo garaam, isla markaana gaari kara 4 KM.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo ka walaacsan gantaalo cusub oo soo bandhigtay Xisbullah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this