Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo 7 Sanadood oo uu xilka hayay maanta qabtay xaflad la isku arkay iyo musharax Cirro oo ka qayb qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

 

IMG-20240518-WA0005.jpg

Xuska 18ka May oo ku beegan 18kii may 1991kii .arkii ay Somaliland dib ula soo noqotay midowgii ay la gashay Somalia 1960kii ayaa maanta si balaadhan looga dabaal degay guud ahaan Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa

Xuskani maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen xukuumadda,xisbiyada mucaaradka madaxda xukumadii hore ee soo mara Somaliland , xisbiyada mucaaridka   dhamaan golayaasha qaranka iyo ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda

Xuskani noocani oo kala ahi dalka kama qabsoomin 7 sanadood ee uu Muuse Biixi uu xukumaayay Somaliland, waxana dadweyne badani ay saadaalinayaa in ay xafladani noqon doonto tii ugu danbaysay ee Muuse Biixi uu ka soo qayb galo isga oo madaxweyne ah iyada oo ay fooda inagu soo.hayso doorashadii madaxweynahu.

Xuskani maanta ee 18ka May waxa si balaadhan uga qayb qaatay xisbiga Waddani oo uu hor kacaayay musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani

Screenshot_20240518_093932_Photos.jpg

Screenshot_20240518_090928_Chrome-1.jpg

Screenshot_20240518_091523_Chrome.jpgScreenshot_20240518_090928_Chrome.jpg

 

La soco qaybaha kale ee xafladdani dhawaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this