Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddo kororsi cusub miyaa socda mise awoodu waxay gashay gacanta DF?

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-wadatashiga.jpg?fit=2048%2C1365&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta la soo gabagabeeyey shirka golaha wadatashiga qaranka, iyadoo aan laga soo saarin qodob aad xasaasi ah, markii la eego marxalada dalka iyo doorashooyinka dowlad goboleedyada oo waqtigoodii lagu dhowyahay.

Markii uu soo baxay war-saxaafadeedka shirka waxaa durba cirka isku shareeray guuxa bulshada, waxaana galay dareen muddo kororsi oo ku jira madaxda.

Dhamaan dowlad goboleedyada waxaa la gaaray waqtigii ay aadi lahaayeen doorashooyinka, waxaa ugu soo horeysa Jubbaland oo Agoosto uu ku egyahay waqtiga Axmed Madoobe, waxaa ku xiga Laftagareen oo December uu ku egyahay waqtigiisa, halka Axmed Qoor Qoor laga doonayo inuu xafiiska baneeyo bilowga sanadka soo socda bisha Febraayo.

Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ee hadda joogay waxay sameysteen muddo kororsi, Qoor Qoor iyo Guudlaawe waxay si dadban muddo kororsiga ugu sameysteen wax ka bedel ay ku sameeyeen mudada xil heynta madaxweynaha oo 5 sano la gaarsiiyey intii ay xafiiska joogeen.

Axmed Madoobe waligiis kama degin xukunka Jubbalnd, halka Laftagareen uu madaxda kale kala mid ahaa kordhinta muddo xileedka dowlad goboleedka, balse 5-tii sano ee uu sharciyeystay waxaa hadda u dheer sanad kale oo weli socda.

Dhamaantood waxaa la sheegay in hadda ay ku fekerayaan muddo kororsi, dadka Soomaaliyeed waxay sugayee waxa ay doorashooyinka ka dhihi doonaan madaxda shireysay ee golaha wadatashiga qaran, balse waxay ku gaabsadeen in Xasan Sheekh uu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxay madaxdu muujiyeen inay ku qanacsan yihiin in la maro wadiiqada lagu dhameystirayo dastuurka ee dowladda federaalka ay majaraha u heyso, balse dowlad goboleedyada ayaa la sheegay inay hadda ogaadeen in qof ka mid ah uu dhabar-jab ku yahay, balse lagu gaaday.

Dastuurka qodobada la ansixiyey iyo go’aankii ka soo baxay shirkii kan ka horeeyey ee golaha wadatashiga qaran waxaa ku cad in wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay soo magacaabeyso guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada, taas oo madax-goboleedyada ay hadda ku baraarugeen.

Lama oga in qodobkaas ay ogolaa doonaan, halka dowladda federaalka ay ka go’antahay in awoodaas ay xaqiijiso, taas oo loo maleynayo inay horseeday in war-saxaafadeed aan lagu soo hadal-qaadin arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in qorshihiisu yahay in la mideeyo doorashooyin dowlad goboleedyada, taasi oo muujineysa in qorshe fog ay dowladda federaalku ka leedahay qaabka loo qabanayo doorashooyinka, sidoo kale nooca ay noqoneyso doorashada dowlad goboleedka, wuxuu gogol-dhig u yahay doorashada soo socota ee dowladda federaalka.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in qorshaha dowladda federaalka uu yahay in wadanka dhan uu halmar doorasho aado, iyadoo shacabku ay soo wada dooranayaan xildhibaan gobol, mid federaal, madaxweyne gobol ilaa madaxweynaha federaalka, balse ma jiro qorshe cad oo lagu gaari karo taas, madaxda dowlad goboleedyadana u saamaxaya inay kursiga sii joogaan.

The post Muddo kororsi cusub miyaa socda mise awoodu waxay gashay gacanta DF? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this