Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha Wadatashiga oo furmay + Ajendaha (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   
440356675_883923460445461_78062990105545

Muqdisho (Caasimada Online) — Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhoweyd ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, kaasi oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salah Jama, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Galmudug Axmed Qoor-Qoor, HirShabelle Cali Guudlaawe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga doodi doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid.

“Guul ka gaarista dagaalka Khawaarijta wuxuu muhiim u yahay in Soomaaliya si buuxda nabad looga aslaaxiyo, dalkuna u jiheysto dhanka horumarka iyo inuu wax la qabsado caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadan uu madaxweynaha ku martiqaadey madaxda goboleedyada, si ay shirkan muhiimka ah uga qeyb galaan ay tilmaameyso sida dowladda federaalka uga go’an tahay balaarinta wada-tashiyada siyaasadeed ee wadar oggolka ah ee lagu gaarayo go’aamada masiiriga ee dalka, iyada oo la raacayo dastuurka dalka u degsan iyo hay’adaha sharciga ee dastuurka lagu qeexay.

Shirkaan ayaa wuxuu imaanaya xilli uu meel sare marayo khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka ayaa ka qeyb-geli doonin shirkan.

Dowlad-goboleedka Puntland oo illaa afar shir ka maqneyd ayaa horay u qaadacday hannaanka wax ka bedelka dastuurka ee afarta cutub, waxaana ay aqoonsiga kala laabteen dowladda federaalka.

Dhinaca kale, Madaxda afarta dowlad-goboleed Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle ayaa la hadal hayaa inay doonayaan in shirka ka helaan muddo kororsi, taasi oo ku jaan go’an muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa hadda waxaa heysata labo daran mid dooro, inuu dowlad-goboleedyada waqtiga u kordhiyo oo muddo xileedkiisa la simo iyo in maamul kasta iskiis ugu madax-bannaanaado qabashada doorashooyinka.

Go’aanadda kasoo bixi doona shirkaan ayaa si dhow loogu hayaa, taasi oo muujin doonta dhinaca adkaada dhinacyada uu shirka uga bilaaban doono Villa Somalia.

441880235_883923380445469_22891859893227
440356675_883923460445461_78062990105545
440383248_883923430445464_43970310724354
441547328_883923390445468_80556993081028
436297450_883923413778799_24600865430826
435949801_883923450445462_42618286422955

The post Shirka Golaha Wadatashiga oo furmay + Ajendaha (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this