Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta Firdhiye u tegay Muqdisho isagoo qeyb ka aheyn shirka wadatashiga?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1715682729693.jpg?fit=1080%2C720&

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Firdhiye ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo deegaanada SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyahan kasoo kicitimay Laascaanood kama qayb-galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Ujeedka imaatinka Firdhiye ayaa la xiriira kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelan doono madaxda sare ee dowladda dhexe, kadibna wuxuu sii aadi doonaa safar dhanka dibadda ah, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.

Waa markii 2-aad ee uu Hoggaamiyaha Khaatumo imaanayo magaalada Muqdisho, waxaana horay u casuuntay dowladda federaalka oo taageero u muujisay maamulkan oo dagaal adag la galay Somaliland.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaaa sida tan;-

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Soomaaliya ayaa safar shaqo ugu anbabaxay Caasimadda Muqdisho isaga oo halkaa uga sii gudbi doona dalka dibadiisa.

Safarka Hoggaamiyaha ayaa daarran dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh Maamulka SSC-Khaatumo oo ay ugu horreeyaan Arrimaha Maamul dhiska iyo wadashaqaynta Hey’adaha Caalamiga ah gaar ahaan hawlaha bini’aadannimada, xasilinta, iyo daadajinta adeegyada Dawliga ah.

Hoggaamiyaha ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiin kala duwan muddada uu ku guda jiro socdaal kiisan shaqo oo ah kii ugu horeeyay ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda hey’adaha kala duwan ee ay wadashaqayntu kala dhaxayso Maamulka.

DHAMMAAD

FB_IMG_1715682731981.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1715682729693.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1715682727861.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1715682724921.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1715682722597.jpg?resize=696%2C46

The post Maxay tahay sababta Firdhiye u tegay Muqdisho isagoo qeyb ka aheyn shirka wadatashiga? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this