Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga falceliyay shirka ay ka maqan tahay Puntland ee ka socda Villa Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   
440383248_883923430445464_43970310724354

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaase ka maqan Puntland.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga doodi doonaa dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid.

“Guul ka gaarista dagaalka Khawaarijta wuxuu muhiim u yahay in Soomaaliya si buuxda nabad looga aslaaxiyo, dalkuna u jiheysto dhanka horumarka iyo inuu wax la qabsado caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Shirkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli uu meel sare marayo khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland. Madaxweyne Saciid Deni oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka ayaa ka qeyb-geli doonin shirkan.

Haddaba, sidee looga falceliyay shirka ay ka maqan tahay Puntland ee ka socda Villa Somalia?

Axmed Ugaas “Shirka madasha Ilaahay haka soo saaro, wax dalka iyo dadka Soomaaliyeed dan u wada ah.”

Daahir Daacad “Midnimadda Somalia in laysla meel dhigo dadbaa ka xun oo aan fadhiga iyo halka looga hadlayo masiirka dalka ka soo qayb-gelin”.

Cawil Xaashi “Soomaali heshiis ah ma saanaa? Aaway dadkii kale ee Soomaaliyeed, ma intaanaa eh Soomaali oo dhan?”.

Cabdinaasir ayaa ku jawaabay “SSC khatumo iyo Puntland qarankii malaga saaray?, Mise dowladdu inta qolka ay kusoo xaraysay bay metashaa?.

Maxamed Muuse “Intii shir la galay wuxuu ajanduhu ahaa arrimaha amniga, hadhowna qodoba kale ayaa kasoo baxa”.

Aweye Macallin Abshir “Mashaa Allah madaxda dalka dhamman iyo madaxda maamulada horumar ayaan u rajeeynaa”.

The post Sidee looga falceliyay shirka ay ka maqan tahay Puntland ee ka socda Villa Somalia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this