Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka madasha wadatashiga qaran oo ka furmaya Muqdisho iyo Puntland oo ka maqan

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Wada-tashiga-Qaran-2022-768x414-1

Magaalada Muqdisho ayaa la filaayaa in uu maanta ka furmo shirka golaha wadatashiga qaran oo ka kooban dawlada federaalka, madaxda dawlad goboleedyada oo aysan Puntland ku jirin iyo gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay gaaray madaxweynayaasha dawlada goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyadoo la filayo in madaxweynaha Hirshabeele uu ku biiri doono.

Shirka golaha wadatashiga ayaa baaqday bishii la soo dhaafay ee April, iyadoo madaxtooyada Soomaliya ay ku sheegtay sababta uu u baaqday arimo farsmo, sidoo kale waxa jiray khilaaf aan la ogeyn oo dhinacyada u dhaxeyo oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.

Shirka waxaan ka qaybgalin Puntland oo sheegtay in aanay aqoonsaneyn dawladda federaalka dhawr jeer oo horena ka baaqsatay ka qaybgalka shirarka golaha wadatashiga qaranka.

Villa Somalia ayaa ajandaha shirka ku sheegtay in looga arrinsanyo arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka iyo la dagalaanka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Shirka madasha wadatashiga qaran oo ka furmaya Muqdisho iyo Puntland oo ka maqan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this