Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland oo diidan ka qaybalka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo shirka Madasha Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_17156897182171585.jpg?resize=720%

Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada laga soo doorto Somaliland ay culays ku saarayaan madaxweyne Xasan Shiikh inaan shirka golaha wadatashiga Qaran laga qaybgalin hoghaamiyaha SSC-Khaatumo.

Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka DFS Saalax Jaamac Xaaji iyo Wasiir Maaraaye ayaa la sheegay in ay ugu tageen madaxweyne Xasan Shiikh inuu shirka maamul goboleedyada ka reebo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye.

Si dhab ah looma garanayo waxa xildhibaanada matala Hargaysa kala kulmeen Madaxwayne Xasan Shiikh balse wasiir arrimaha guddaha iyo federaalka Cali Xoosh ayaa ku adkaysanaya in shirka galinka danbe ee galabta lagu soo biiriyo hoggaamiyaha Khaatumo.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, golaha ayaana cod loo waydiin doonaa in shirka uu ka qaybgalo iyo in kale.

PUNTLAND POST

The post Xog: Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland oo diidan ka qaybalka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo shirka Madasha Qaran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this