Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan adkaynta amniga guud oo ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha .

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir muhiim oo ku saabsan adkaynta amniga Guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.
IMG-20240514-WA0003.jpgIMG-20240514-WA0005.jpg

IMG-20240514-WA0004.jpg
Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabada Xuska Maalinta Qaranka ee 18 May Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir gudoomiyey kulan Ballaadhan oo ku saabsan adkaynta iyo xoojinta amniga guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kulankan muhiim ka ah mudadii uu socdey waxaa lagu Lafa-guray adkaynta iyo xoojinta amniga guud ee Dalka iyo diyaar garowga xuska maalinta Qaran ee 18 ka May, taasoo ay hadhsan yihiin maalmo kooban, shacabkuna ay si wayn ugu diyaar garoobeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa faray Taliyayaasha guud ee Ciidamada qalabka sida, in la xoojiyo amniga, sidoo kale heegan la ahaato, si looga hortago shirqoolkasta oo ay isku dayaan Cadawga Somaliland, iyadoo shacabka Jamhuuriyadda ay nabad ku seexdaan, nabadna ku soo toosaan, hadana cadawga Somaliland wuxuu ka xunyahay horuumarka iyo nabad-gelyada ay ku faanto Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ku timi Iskaashiga shacabka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladooda.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani, ayaa isna dhiniciisa ka caddeeyey in Ciidamada Qaranku ay heegan u yihiin difaaca Qarannimada iyo nabad-gelyada, iyadoo Ciidamada Qaranku ay ku jiraan diyaar garowga waynaynta maalinta Qaran ee xuska 18 ka May iyo Diyaar garowga difaaca Dalka.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa ku dhiiri geliyey madaxda Ciidamada adkaynta nabadgelyada, isaga oo taliyuhu caddeeyey in ay Ciidamada Booliska Somaliland u diyaar garoobeen adkaynta nabadgelyada guud ahaan Dalka oo dhan, sidoo kale ay wayn uga qayb qaadan doonaan dabaal-dega xuska 18 ka May.

Wasiirka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Sheikh Maxamed Xaaji Aadan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Dr. Buuxane, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yusuuf iyo Maayor Kuxigeenka Caasimada Hargeysa ayaa dhinacooda soo jeediyey tallaabooyin muhiim ah oo amniga lagu adkaynayo maalmaha lagu jiro dabaal-dega maalinta Qaran ee 18 ka May.

Guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u diyaar garoobayaa xuska maalinta ee 18 ka May iyo in ay indho dheer ku eegaan waxkasta oo cadawga Somaliland qorshaynayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this