Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xasan Sheekh oo guddi qaran u magacaabay difaaca madax-banaanida Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-1.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qaran ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa waxay magacaabistooda ku timid kadib markii madaxweynaha uu arkay baahida loo qabo in la xoojiyo awoodda difaaca madax-banaanida iyo midnimada dhuleed dalka, sida lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo ay heshay Caasimada Online.

“Madaxweynaha markuu garwaaqsaday in loo baahan yahay magacaabista guddi qaran oo u difaaca madax-banaanida iyo midnimada dhuleed, si shacabka Soomaaliyeed iskugu tashado,” ayaa sidoo kale lagu yiri warqadda oo ay aragtay Caasimada Online.

Guddigan qaran ayaa waxaa Iskuduwe looga dhigay Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Caynte, sidoo kale waxaa xubno ka ah; Maxamed Cismaan Jawaari, Yuusuf Garaad Cumar, Dr’s Maryan Qaasim Axmed, Cali Xaaji Warsame oo wasiir hore oo Puntland ah iyo Ciif Maxamed Beddel.

Magacaabista guddiga qaran ee difaaca ayaa imaneysa xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haysa heshiiska is-afgarad ee bishii Janaayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Muuse Biixi iyi Abiy Axmed.

Heshiiskaasi oo xad-gudub dub ku ahaa madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya ayaa waxaa si weyn uga hortimid dowladda federaalka oo xukuumadda Addis Ababa ku qasabtay inay dib uga joogsato dhaqan-gelinta heshiis beenaadkaasi oo loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha oo dhan;

1. Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf Caynte – Iskuduwe
2. Maxamed Cismaan Jawaari – Xubin
3. Yuusuf Garaad Cumar – Xubin
4. Dr’s. Maryan Qaasim Axmed – Xubin
5. Cabdikariin Xasan Jaamac – Xubin
6. Cali Xaaji Warsame – Xubin
7. Ayuub Ismaaciil Yuusuf – Xubin
8. Jaamac Maxamed Askar – Xubin
9. Ciid Maxamed Beddel – Xubin
10. Faysal Cabdi Rooble – Xubin

3d8e6b83-9be4-44a4-b62f-c65b10f72360.jpe

The post Xog: Xasan Sheekh oo guddi qaran u magacaabay difaaca madax-banaanida Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this