Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ruushka oo xilka ka qaaday wasiirka difaaca Sergei shoigu

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2024-05-13-at-7.54.46-AM.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa xilka ka qaaday saaxiibkiisa muddada dheeraa ee wasiirka difaaca Sergei Shoigu oo xilkaa hayay tan iyo 2012, wuxuuna ku beddelay dhaqaale yahan rayid ah oo lagu magacaabo Andrei Belousov.

Tan ayaa la sheegay inuu Putin uga danleeyahay inuu Ruushka ku xiro dagaal dhaqaale isagoo isku dayaya inuu si wanaagsan uga faa’iidaysto kharashaadka difaaca iyo ka faa’iidaysiga hal-abuurnimo si uu ugu guuleysto Ukraine.

Shoigu, lama dhigin shaqo la’aan wuxuuna Putin doonaya inuu noqdo xoghayaha golaha ammaanka ee awoodda badan ee Ruushka, isagoo beddelaya Nikolai Patrushev oo xilka haya, waxaa intaa u dheer Sergei Shoigu in qaadan doono mas’uuliyada dhismaha militariga iyo warshadaha, sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Ruushka oo xilka ka qaaday wasiirka difaaca Sergei shoigu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this