Sign in to follow this  
Deeq A.

Anthony Blinken ”hadafka guud ee u dhexeeya Israa’iil iyo Mareykanka waa in laga adkaado Xamaas”

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture-1.jpg?resize=727%2C485&ssl=1

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xoghaye Anthony Blinken mar uu la hadlay wasiirka difaaca Israa’iil, uu carabka ku adkeeyay sida adag ee Washington ay uga go’an tahay ammaanka Israa’iill.

Wasiirka arimaha dibadda Mareynkanka Anthony Blinken waxa uu xaqiijiyay hadafka guud ee u dhexeeya Israa’iil iyo Mareykanka in uu yahay in laga adkaado Xamaas.

Wuxuu kala hadlay wasiirka difaaca Israa’iil xaaladda Gasa iyo dadaallada socda ee lagu sii deynayo la haystayaasha, wuxuu xaqiijiyay in ay kasoo horjeedaan howlgal weyn oo ciidamada dhulka ay ka fuliyeen Rafah.

Blinken waxa uu carabka ku adkeeyay baahida degdega ah ee loo qabo in la ilaaliyo rayidka iyo shaqaalaha gargaarka ee Gasa, isagoo ku booriyay wasiirka difaaca Israa’iil in uu xaqiijiyo gelitaanka bini’aadantinimo ee Gasa.

Israa’iil ayuu ku booriyey in ay gacan ka geysato wax ka qabashada caqabadaha hortaagan qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee gudaha Gasa.

PUNTLAND POST

The post Anthony Blinken ”hadafka guud ee u dhexeeya Israa’iil iyo Mareykanka waa in laga adkaado Xamaas” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this