Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo Garoowe kula kulmay madaxda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1715615213824.jpg?resize=720%2C63

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa qasrig madaxtooyada ku qaabilay safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Joachim Waern.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo xubno ka tirsan golaha xukuumadda, ayaa looga hadlay dowlad dhiska Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo arrimaha gudaha Puntland sida dhameystirka dimuqraadiyadd.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey dowladda Sweden taageeridii doorashooyinkii hal qof iyo hal cod ee Puntland.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay mashaariicda horumarin ee ay iska kaashadaan Puntland iyo Sweden siday sheegtay madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo Garoowe kula kulmay madaxda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this