Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kutub ka guddoomay Rugta Dayactirka Kutubta ee Hiil-Qur’aan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta JSL Sh. Maxamed Xaaji Aaadan Cilmi iyo La taliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur ayaa ka guddoomay 44 kartoon oo Kutub ah, Guddoomiyaha Rugta Dayactirka Kutubta ee Hiil-Qur’aan Jamaal Yuusuf Maxamed.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta Rugta Kutubta ee Hiil-Qur’aan, waxaanay iska xog-waraysteen hawlaha Hiil-Qur’aan qabato iyo doorka ay kaga jirto dayactirka Kitaabka Qur’aanka ah ee Alle SWT innagu galladay.

Geestooda masuuliyiinta Hiil-Qur’aan ayaa ka warbixiyay tan iyo intii ay bilaabeen hawshaasi khayriga ah waxqabadada u hirgalay haddii ay tahay sare-u-qaadida wacyiga bulshada ee dhanka daryeelka kutubta iyo basrinta kuwa duugooba.

Kulankaasi kadib masuuliyiinta Hiil-Qur’aan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Jamaal Yuusuf Maxamed ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku wareejiyay kutub iskugu jirta qaybaha kala duwan ee cilmiga Diiniga ah kuwaasi oo ay kamid yihiin Tafsiirka Qur’aanka, Axaadiista Rasuulka SCW, Fiqiga iyo qaybo kale oo muhiim ah.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa tibaaxay ahmiyada ay Maktabadani bulshada u yeelan doonto, waxaanu xusay in ay farxad gaar ah u leedahay in kutubtii koowaad ee Maktabadda la dhigay ay noqdaan kuwa Shareecadda Islaamka, waxaanu Rugta Kutubta ee Hiil-Qur’aan ku boggaadiyay kaalinta wanaagsan ee ay kaga jirto dayactirka iyo kor-yeelida Kitaabkeena Qur’aanka.

Ugu danbayn Gudddoomiyaha Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali ayaa sheegay in Maktabadani noqon doonto mid casri ah oo gafaysa baahida dhanka akhriska ee Garsoorayaasha iyo hawl-wadeennada kale ee cilmi-baadhis iyo akhrisba samaynaya, waxaanu xusay in wali dhamaystirkii lagu guddo jiro oo dhawaan la furi doono.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyay Rugta Kutubta ee Hiil-Qur’aan kutubta ay Maktabadda Garsoorka ugu deeqeen, waxaanu hoosta ka xarriiqay in kutubtani tixraac u noqon doonto akhristayaasha Maktabadda.

Allaa mahad leh

Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this