Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo maanta kulan deg-deg ah isugu yeedhay golihiisa wasiirrada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Biixi, ayaa maanta oo isniin ah kulan degdeg ah isugu yeedhay xubnaha golaha wasiirrada sida ay Illo wargaleen ah Gallaydh Media u xaqiijiyeen.

Shirka Golaha wasiirrada ayaa la filayaa in lagaga doodo arrinta ku saabsan gobolnimada Gebilay iyo magaalooyin kale oo derejooyinkooda la kordhin doono.

Haddii qorshani hirgalo xukuumadda ayaa Golaha Wakiillada u gudbin doonta ansixinta gobolnimada Gebilay iyo weliba in derejooyinka loo kordhiyo magaalooyin kale.

Mucaaradka iyo muxaafidka Somaliland ayaa markasta oo doorashooyinku soo dhawaadaan ololaha ku gala arrinta in gobol rasmiya loo aqoonsado Gebilay oo ah magaalo dad badani aaminsan yihiin in ay u qalanto gobolnimada marka loo eego Dhaqaalaha ay soo saarto iyo tirada dadka ku noolba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this