Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda GAZA oo kasii dartay, kadib tallaabo ay qaaday Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil ayaa taangiyo u dirtay bariga deegaanka Jabaaliya ee waqooyiga Marinka Gaza subaxnimadii hore ee Axaddii shalay , ka dib markii habeenkii oo dhan ay duqeymo culus oo cirka iyo dhulka ah ay ka fuliyeen aagaas.

Duqeynaha Israel waxaa ku dhintay 19 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Jabaaliya waxaa ku yaala xerada ugu weyn siddeedda xero qaxooti ee taariikhiga ah ee Gaza, waxaana ku nool in ka badan 100,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo farcamay Falastiiniyiintii laga soo eryay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka hadda loo yaqaan Israa’iil. intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.

Gelinkii dambe ee Sabtidii, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada iyo taangiyada ay u direen Jabalia ay ka hortagayaan Xamaas, oo mar kale dib u soo celiso awooddeeda ciidan, oo ka Talisa Qaza.

Israa’iil ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamas oo hogaaminaysay weeraradii lagu qaaday gudaheeda, balse duulaanka dhulka ee Gaza ayaa keenaya khatar wayn, iyadoo Xamas ay haysato la-haystayaal badan oo lagu qafaashay weerarka.

Ciidamada Israa’iil ayaa go’doomiyay magaalada Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, waxayna ka gaysteen xasuuq ba’an oo ka dhashay duqeymo ay ka fulineyso halkaasi.

Si kastaba, Baaqyada Caalamiga ah ee ku aaddan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza ayaan weli loo dhega nuglaan, taasoo ka horjoogsatay dadka reer Gaza wax kasta oo magaalada gali jiray marka laga reebo tira yar oo gargaar bani’aadnimo ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this