Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay ku geeriyootay danab ku dhacay iyadoo roob da’aayo gobolka Saaxil

Recommended Posts

Deeq A.   

Hal qof oo haweenay ah ayaa ku geeriyootay, laba kale oo mid yahay Ilmo yar oo afar bilood jirana waxyeelo ayaa ka soo gaartay, ka dib markii gelinkii dambe ee shalay uu gurigii ay deganaayeen uu ku dhacay danab ka dhashay roobab ka da’ay Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Roobabkan, oo ka da’ay degmada Laas-ciidle, oo Magaalada Berbera oo u jirta ilaa 130 KM, ayaa sababay in guri ku yaala degmadaasi uu ku dhacdo danab, xilli halkaas ay ku sugnaayeen Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay iyo qof kale oo qoyska ka mid ah.

Danabka gurigan ku dhacay ayaa sababay dhimashada Hooyadii Qoyska oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Axmed Xaaji Nuur, halka gabar yar oo jirtay afar bilood uu dhaawac ka soo gaaray iyo sdioo kale haweenaydii kale ee qoyskaas ka mid ahayd oo wakhtiga danabku ku dhacay guriga ku sugnayd, sida uu BBC-da u xaqiijiyey Xasan Ciise Cali, oo ah Aabaha qoyska dhibaatadu ku dhacday.

Xasan Ciise Cali, waxa uu xusay in Marxuumada geeriyootay oo xaaskiisa ahayd ay maanta ku aaseen degmada Laas-ciidle, isaga oo sidoo kale sheegay in dadkak kale ee waxyeeladu soo gaartay ay xaaladoodu ka soo raynayso.

Deegaanka danabkan ku dhacay ayaa u dhow deegaanka lagu magacaabo Xididdaley oo bishii hore daadad ka dhashay roobab halkaas ka da’ay ay ku dhinteen saddex qof oo walaalo ah.

Toddobadkii hore ayaa sidan oo kale deegaanka Dirimaraa ee Gobolka Saaxil uu wiil 15 jir ah ugu geeriyooday danab ku dhacay, xilli halkaas ay roobab xooggan ka da’ayeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this