Sign in to follow this  
General Duke

Caabudwaaq: Ahlu Sunna militia arrest TFG troops

Recommended Posts

Caabudwaaq:Ciidamo ka tirsan DFMG ah oo Ehlusuna u xiran.

 

 

Caabudwaaq(Allpuntland)-Ciidamo katirsan Ciidanka dawlada Soomaaliya ayaa u xirxiray Culimo owdiinka Ehlusna waljamaaca,ciidankan ayaa dhawaan laga soo qabqabtay xaafad ku taala magaalada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud.

 

Ciidankan oo tiradooda lagu sheegay 23-askari ayaa waxa ay Culimo owdiinku sheegeen in ay ka shakiyeen dabadeedna ay ugu galeen xaafad ay ku sugnaayeen oo kutaal gudaha magaaladaas,waxaana ay Cilimadu xaqiijiyeen in markii lasoo qabtay laga helo qoryo &bistoolado ay ku hubaysnaayeen.

 

Taliyaha ciidanka Ehlusanna ee degmada Caabudwaaq ayaa APL u sheegay in ay si nabadgalyo ah ciidankaas u soo qabteen,wuxuuna sheegay inay amaanka Caabudwaaq ay uga shakiyeen inuu khakhal galo.

 

"Walaalow ciidankani waxay ahaayeen 23-asari waxayna ku hubaysnaayeen hubka fud fudud,waxaanuna kusoo qabanay si nabad gelyo ah imikana baaritaano ayaanu ku haynaa oo qaarkood waanuba sii deynay"Ayuu yiri taliyaha ciidamada Ehlusana Waljameeca ee degmada Caabudwaaq oo APL wax kaweydiisay askartan ay soo qabqabteen.

 

APL ayaa taliyaha weydiisay sababta keentay inay ciidamo DFKMG ah katirsan xabsiga u taxaabeen,wuxuuna sheegay inuusan ogeyn ciidankani inay kuwa Dawlada ka tirsan yihiin,wuxuuna sii raachey inayan dawladu wax xiriir ah kala samayn askartan xiran.

 

"Nimankan ma hubno inay ciidamada Dawlada ka tirsan yihiin,hadii ay katirsan yihiina dawladu way nala soo xiriiri lahayd balse hada wax xiriir ah nalama aysan samayn,anaguna xaq ayaanu u leenahay inaanu ameenkeena sugano soona qabano cidii khalkhal wada"Ayuu yiri Taliyuhu.

 

Ciidamadan la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa dawlada Soomaaliya ayaa maalinkii 3-aad uxiran Culimada Ehlusan Waljameeca,waxaana lasheegay in qaarkood lasiidaayey qaarna baaritaano lagu hayo,warar hoose oo ciidankan laga helayo ayaa sheegaya inuu ku jiro Taliyihii Ciidanka dawlada ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

 

Cabiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this