Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Ka Qeybgalay Kulan Tabarucaad Loogu Uruurinayay Hirgelinta Xarun Lagu Xanaaneeyo Gabdhaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan dhiiragelin ah iyo Deeq uruurin isugu jirta Kafaalad qaad iyo Tabarucaad u sameeyay Caruurta iyo Maamulka xarunta dhaqan-celinta ee Maama Ugaaso oo ku howlan furista xarun cusub oo lagu xanaaneenayo Gabdhaha.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn ku amaanay Maamulka xarunta Maama Ugaaso doorka ay ka qaateen in la xanaaneeyo caruur intooda badan la dhibanaa istecmaalka Maandooriyaha, kuwaasi oo hada lagu bar-baarinaayo barashada cilmiga diiniga iyo maadiga, si ay ula mid noqdaan caruurta asaagooda ah, Asigoona dhinaca kale soo dhaweeyay in la furo xarun u gaar ah xanaaneynta Gabdhaha Agoonta ee Maama Ugaaso.

Guddoomiye Madaale ayaa ugu baaqay Ganacsatada, Culumada iyo inta Eebe wax siiyay in ay gacan ka geystaan xanaaneynta iyo bad-baadinta ubadka Soomaaliyeed ee darbi-jiifka ah iyo kuwa Agoonta ee isugu jira Gabdho iyo Wiilal, si loo bad-baadiyo jiilka soo koraaya. Waxaana isla madashada lagu balan qaaday Deeqo lagu Kafaalad qaadayo caruurtaasi.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada G/Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, Xildhibaan Yuusuf Kabaale, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Gabeyre, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir, Agaasimeyaal, Madaxda Guddiyada Ganacsatada Bangiyada, Suuqyada Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this