Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo qaatay go’aan yaab leh, xilli DF ay dhex dabaalaneyso musuq

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ugu weyn ee ay ka hadleen dadka Soomaaliyeed waa boobka baahsan ee ku socda dhulalka danta guud ee ku yaallay Muqdisho.

Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn loogu haysta inuu sifo sharci darro ah ku bixinayo dhulalkii dowladda.

Meelaha ay qayladdii ugu dambeysay ka timid waxaa kamid ah;

1. Suuqa Argentina ee degmada Kaaraan
2. MCH-kii degmada Hodan iyo
3. Gudaha xerada Xalane

Ka horna, wuxuu buuqooda taagna dhulalkii;

1. Dab-demiska
2. Oodweyne
3. Bangala
4. Ara’a, oo ku dhow Asluubta
5. Qabuuraha Iskuul Buluusiya iyo
6. Bangaariyo

Boobka dhulalka dowladda ayaa si aan qiyaas laheyn usii burburineysa sumcada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan wuxuu Jimcihii ka hadlay Masaajidka Madaxtooyada waxaa la filaayay inuu soo hadal qaadi doono boobka dhulalka dowladda. Marar badan waxaa loogu baaqay madaxweynaha inuu hakiyo boobka socda, kadibna sharci loo sameeyo hab iibinta dhulalka ay dowladda ka maarantay, laakiin taas dhagaha ayuu ka fureystay madaxweynaha.

Shacabka Soomaaliyeed waxay filayeen in marka ugu horeysa ee uu hadlo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka hadli doono dhibaatada dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho iyo cabashada ay qabaan shacabka reer Muqdisho.

Laakiin madaxweynaha hadal-hayntiisi Jimcihii wuxuu la aaday inuu ku duro dhanka mucaaradka, arrimaha dastuurka iyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Khudbada madaxweynaha wax badan kama duwaneyn marka nuxurka iyo ereyadaba la eego khudbooyinkiisi hore ee uga hadlay mucaaradka, dastuurka iyo Itoobiya, waana sababta aanay wax saameyn ah u yeelan farriintiisi Jimcihii.

In uusan madaxweyne Xasan Sheekh marna soo hadal qaadin waxa ugu weyn ee lagu haysto dowladdiisa oo ah boobka dhulalka iyo baroorta danyarta Muqdisho degan ayaa dad badan ku riixday inay farriintan u qaatan inuu madaxweynaha raali ka yahay fool-xumada ka taagan dhulalka danta-guud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sanadkii dhamaaday ee 2023 dhowr jeer Masaajidka Madaxtooyada kaga hadlay arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay la dagaalanto ayaa Jimcihii marna soo hadal qaadin wax la xiriira musuq-maasuq nuucii uu doonaba ha noqdee.

Waa cutubkii labaad ee hab xukunka madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhulalka danta-guud.

The post Xasan Sheekh oo qaatay go’aan yaab leh, xilli DF ay dhex dabaalaneyso musuq appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this