Sign in to follow this  
Deeq A.

FIRDHIYE oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran iyo Gen. Xijaar oo kasoo muuqday

Recommended Posts

Deeq A.   
Firdhiye-2.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye ayaa xalay qaaday tallaabo culus wuxuuna isku shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirada, sida lagu caddeeyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu magacaabay illaa 13 xubnood oo uu ku jiro taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo loo magacaabay wasiirka cadaaladda ee maamulka SSC-Khaatumo.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Xeer Hoggaamiye 16/2024

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Aragtida Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qodobka 6aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qodobka 14aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qodobka 15aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatum

Markuu ku Qancay: Aqoonta iyo waayo aragnimada Masuuliyiintan

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la helo Masuuliyiin hanan kara Xilalka loo igmaday

Markuu La Tashaday: Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Wuxuu go’aamiyey

In laga bilaabo maanta oo Taariikhdu tahay 12/05/2024 Masuuliyiintani qabtaan xilalka loo magcaabay

1. Waxaa Mud. Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

2. Waxaa Dr. Xil Yuusuf Sulaymaan Sancad loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

3. Waxaa Mud. Najiib Barkhadle Warsame loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

4. Waxaa Mud. Ibraahim Jaamac Reygal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Amniga

5. Waxaa Mud. Dr Axmed Xaashi Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cilmilada

6. Waxaa Mud. Dr. Jaamac Maxamed Mursal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha

7. Waxaa Mud. Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta yo Dastuurka

8. Waxaa Mud. Xil Cali Warsame Cismaan loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta
9. Waxaa Mud. Axmed Cabdirisaaq Diiriye loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

10. Waxaa Mudane Xil. Daahir Cabdirisaaq Axmed loo beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga

11. Waxaa Mudane Xil. Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed Hindi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka

12. Waxaa Marwo Suhuur Faysal Barre loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka

13. Waxaa Xil. Dr. Aadan Cabdillaahi Aw-xasan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu Ilaahay uga baryayaa Masuuliyiinta magacaaban in Eebbe xilka u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmayaa in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan Axdiga Maamulka oo ay ku jirto danta shacabka SSC-Khaatumo

Xeerkani wuxuu dhaqangalayaa markaa uu saxeexo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda.

DHAMMAAD

The post FIRDHIYE oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran iyo Gen. Xijaar oo kasoo muuqday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this