Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada badda Yurub oo qabtay koox looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaali ah

Recommended Posts

Deeq A.   
20231223638388919793246089.jpg?resize=66

Ciidamada badda Yurub ayaa lix qof oo burcad-badeednimo looga shakisan yahay xiray shalay kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo kasoo shiraacday Gacanka Cadmeed, sida ay saraakiishu sheegeen, tan oo laga yaabo inay qeyb ka tahay weerarrada burcad-badeednimo ee sii kordheysa ee ka imaanaya Soomaaliya.

Weerarkan oo lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo uu ka babbanayay calanka Jasiiradaha Marshall ayaa kusoo aadaya iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerarayeen maraakiibta maraya Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb.

Burcad-badeedda ayaa rasaas ku furay markabka iyagoo markaas saarnaa doon yar oo hub uu saarnaa, sida ay sheegtay xarunta Howlgallada Ganacsiga Marin-biyoodka UK, oo korjoogteysa marinnada markabka ee bariga.

Burcad-badeedda ayaa wadatay qoriga nooca AK- 47 iyo bambooyin, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka sida gaarka loo leeyahay ee Ambrey.

Burcad-badeedda ayaa markii hore rasaas ku furay Chrystal Arctic, kaa soo ciidamadiisa hubeysan ee saarnaa ay rasaas ugu jawaabeen, sida ay sheegtay UKMTO.

Saacado kadib, ciidamada Midowga Yurub ee gobolka oo loo yaqaanno Operation Atalanta ayaa sheegay in waax ka mid ah oo gobolka ka howlgaleysay ay qabteen lix burcad-badeednimo looga shakisan yahay. Waaxda ayaa la wareegtay burcad-badeedda oo qaarkood dhaawac uu ku yaallay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada badda Yurub oo qabtay koox looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaali ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this