Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Automative Management Service oo Maxkamadda Gobolka Looga Yeeray, Kadib Dacwad Laga Soo Gudbiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Shirkadda Automative Management Service ka dalbatay inay muddo bil ah gudeheed ku hor timaado, ayadoo sheegtay inuu dacwad kasoo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Warqad ay soo saartay madaxkamaddu ayaa lagu yiri” maxkamaddu ayagoo cuskanaysa qodobka 128/D/xeerka numberkiisu yahay 84 taariikhdu markay ahayd 12/12/1972 waxay ku wargelinaysaa shirkadda Automative Management Service oo ah shirkad ganacsi oo ajanabi ah, taasoo dacwad cinqaab ah oo ay dhinac ka tahay ka furantahay madaxkamadda gobolka Banaadir, uuna ku soo eedeeyay xeer ilaaliyaha guud qaranku inay galashay dembi ah bixin la’aanta canshuurtii ku waajibtay iyo marin habaabinta ay sameeyeen ayagoo iska dhigaya inay canshuurtii bixiyeen iyo ganacsi sharci darro ah oo aan ahayn kii ay shatiga u haysateen, ku xadgudubka dalka iyo dembi lacag dhaqis.

“Haddaba maxkamaddu waxay ku wargelinaysaa shirkadda sare ku xusan inay ku hor yimaadaan muddo soddon maalmood ah gudohood oo ka bilaabanaya 11-ka bisha 5-aad , kuna eg 10-ka bisha 6-aad 2024”

Automative Management Service ayaa kamida shirkadaha ajanabigu ay leeyihiin ee ka howl-gala gudaha dalka, waxaana lagu eedeeyay inay ku talo-gal ah u baalmartay shuruucda dalka, ayadoo gacmaha la gashay dembiyo lacag dhaqis iyo bixin la’aan canshuureed isugu jira.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this