Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: FIQI oo weerar ku qaaday qorax joog, hal midna ku amaanay qurbo-joogta

Recommended Posts

Deeq A.   
fiqi.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka maalgashiga qurbe-joogta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, gaar ahaan waaxda Jaaliyaddaha Qurbe-joogta.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay madax ka kala socotay Hayaโ€™addaha dowladda, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay madasha ย ayaa sheegay in qurbe-joogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga dalka, koboca nolosha bulshada iyo difaaca dalkaba.

Sidoo kale wasiirka ayaa is barbar-dhig ku sameeyay qurbe-joogta iyo dadka gudaha ku sugan, gaar ahaan kaalintood ku aadan wax qabadka iyo dowladnimada.

โ€œQurba-joogta dad badan ayaa eedeeya oo yiraahdo anshax xumo ayay nagu soo kordhiyeen wiil jeego xiiran baa la keenay, gabar saas ahaa timid, laakiin qurba-joogta Soomaaliyeed waa kuwo laf dhabar u ah bulshada Soomaaliyeedโ€ ayuu kusii daray.

Fiqi oo ka hadlayay dadka ku sugan gudaha dalka ayaa sheegay in qaarkood ay is qarxiyaan, ayna dilal ka gaystaan masaajida hortood, sida uu hadalka u dhigay.

โ€œDakla gudihiisa ayaa laga helayaa kuwii joogay ayaa maanta s qarxinaya oo ma aragtay masaajid hortiis wax ku dilaya, laakiin lama dhihi karo waxaa xun dadka dalka jooga oo dhan,โ€ ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa dhaliyay falcelin xoogan, wuxuuna si wayn u qabsaday baraha bulshada Internet-ka oo siyaabo kala duwan loogu falanqeeyay hadalka wasiirka.

The post Daawo: FIQI oo weerar ku qaaday qorax joog, hal midna ku amaanay qurbo-joogta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this