Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Aqoonsaday Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi si weyn u taageeray, dalabka Falastiin ee ah in ay xubin buuxda ka noqoto Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa, iyada oo uu Goluhu kula taliyay Golaha Ammaanka inuu arrintan si wanaagsan dib ugu eego.

Qaraarki Golaha Guud ee shalay oo ay cododkooda ka dhiibteen dhammaan 193-da xubin ee Golaha, ayaa waxaa haa ugu codeysay 143 dowladood, 9 waddan oo ay ku jiraan Israa’iil iyo Mareykanka ayaa diiday halka 25 xubin ay ka aamustay.

Qaraarkan ayaanan Falastiin siineyn aqoonsiga xubinnimada ee Qaramada Midoobay, balse si fudud ugu aqoonsaday in Falastiin ay u qalanto xubinnimada.

Si Falastiin ay u noqoto xubin buuxda oo ka mid ah xubnaha Qaramada Midoobay ayaa u baahnaan doonto, in ay qaraar ku ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxay u badnaan doontaa inuu Mareykanka codka awoodda qayaxan ee Veto-ga ku diidi doono, sidi uu ugu diiday fadhigi dhawaan ay arrintan ka yeesheen Golaha Ammaanka.

Qaraarki Golaga Guud ee la ansixiyay Jimcihi, ayaa Falastiin sii doona xuquuqo dheeraad ah oo aysan hore u heysan, laga billaabo bisha September ee sannadkaan 2024-ka, kuwaas oo ay ka mid yihiin kursi ay ku yeelan doonaan hoolka Golaha Guud, laakin cod kuma yeelan doonaan golaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this