Sign in to follow this  
Deeq A.

Guurka Soomaalida iyo ajaanibtu miyuu ka batay sidii hore?

Recommended Posts

Deeq A.   

b571b5f0-0e9c-11ef-bee9-6125e244a4cd.jpg
a9825f90-0e9e-11ef-82e8-cd354766a224.jpg

84d0b760-0e9d-11ef-b9d8-4f52aebe147d.jpg

dc0e48c0-0e9e-11ef-b9d8-4f52aebe147d.jpg

Baryahan dambe waxaynu ku arkaynay baraha bulshada doodaha ku saabsan dadka soomaalida ah ee guursaday dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka oo sanadihii ugu dambeeyey ay sii bateen jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Waxaana doodahaa sii xoojiyey iydoo inta badan ay gabdho Soomaaliyeed kusoo bandhigeen lammaaneyaashooda oo ajaanib ah.

Waxaa kaloo dhan kalena aynu ka daawannay isla baraha bulshada dhaliyaro wiilal Soomaali ah oo dalka Marooko u guur doonanaya. Haddaba su’aasha lays weydiinayanaa waxay tahay miyeey bateen Soomaalida ajaaniibta guursanaysaa mise baaha bulshada ayaa buunbuuniya?

Iman Mohamed iyo seygeeda David Bowie
Dr Kaltun Baandey Rivers waa cilmi baadhe arrimaha bulshada ku takhasustay oo deggan Sheiffield UK, waxaanay is guursadeen nin Ingiriis ah muddo laga joogo 24 sanno waxaanay noo sheegtay “Guurku waa wax laba qof oo is doortay is guursanayaan inaga Soomaali baa nahay udub dhaxaadka guurku waa diinteena Islaamka, markaa waligeedba Somaalida iyo ajaanibtu way is guursan jireen annaga intaannu is guursan ninkayga waxaa jiray Soomaali badan oo ajaanib ay is guursadeen, dalkan Ingiriiskana waxaa jira kumannaan Soomaali iyo caddaanku iska dhaleen oo raggii Soomaalida ahaa ee bad-mareenku ay dhaleen oo immika iyana carruurtoodii caruurro sii dhaleen, wax cusub maaha guurka ajaainbtu ee baraha bulshada ayaa aad u faafiyey,” ayay tiri.

Iyadoo sidaa tahay haddana waxaynu ognahay in muddo qarniyaal ah guursiga ajaanibta uusan ahayn wax ku cusub nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka laga eego dhanka isdhexgalka mujtamacyada dega xeebaha oo ka duwan kuwa deegaannada aan xeebaha lahayn ee u badan reer guuraaga.

Maxaa gabdhaha ajaanibta guursda looga hadlaa inta badan?

Inta badan doodaha baraha bulshada ee ku saabsan guurka ajaanibta ayaa ku jihaysnaa gabdhaha Soomaalida ee guursaday ama calmaday ragga ajaanibta ah, iyadoo qaar badanna ay si ulkaca usoo bandhigayeen muuqaallo ah iyaga iyo lammaanayashooda taasi oo doodaha iyo hadlhaynta cirka kusii shareertay, waatan mar kale Dr Kaltuun Baandey “maaha in gabadhaha uun diiradda la saaro oo raggana loo sacab tumo haweenka ajaaniibta ah guursada, taasi waxay keenaysaa in gabdhaha feedh duubtaan oo difaac galaan ama ay dadkoodii iyo dhaqankoodii ka cararaan, looma baahna taasi”.

Waxaynu xasuusanaa dhowr jeer inay dareenka Soomaalida soo jiiteen aroosyo muran dheliyay sida kii ay ku aqal galeen Idriss Elba iyo Sabriina Dhoore. Idiris iyo Sabrina Dhoore ayuu arooskoodu ka dhacay Huteelka Mandarian Hotel oo ku yaalla dalka Marooko.

Caqabadaha guurka ajaaniibta

Sideedaba ma hawal yara laba qof oo kala dhaqana iyo caadooyin ah ama aan isku diin ahayn oo guur dhex mara , inkastoo Soomaali badan oo reer gabeedka ku dhasahay aanay aragba meel dhul Soomaaliyeed ayahay oo halkaasi ku koreen haddana caqabadahu way jirayan sida ay sheegtay Dr Kaltun Baandey “Horta waxaa fiican in qofku marka hore dhaqankiisa wax ka yaqaano iyo caadooyinkiisa markaas ayaa qofkiikalena tixgalinayaa , caruurta aad dhashaana ay ku faanayaaninay Sooamli iyo dad kale iska dhaleen , waxaaa ku baaqaa marwalba in caruurtaiska dhalka ah ee Soomaalida ah ee calamo soomaali ah gacmaha u sudhan yahiin ynusoo dhaweeyno oo dhiiri galino wayo way inagu faanaan”.

Doodaha qaar in ay noqdaan hadal hayn weyn waxaa saamaxay baraha Bulshada oo ah meelo ay dadku ra’yigooda ku soo bandhigaan, laakin dhanka kale, waxaa yar ama meesha ka maqan tixgelinta dookha qofka, iyo in loo arko inuu isagu yahay qofka leh go’aanka noloshiisa.Haddaba iyadoo ay sii bateen Soomalida qurbahu iyo is dhexgalka soomaalida iyo ajaanibtu ayaa waxaa hubaal ah inuu sii badan doono guurka jaanibta iyo Soomaalidu.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this