Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine oo weerarkii ugu masaafo dheeraa ka gaysatay gudaha Ruushka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ukraine ayaa weerarkii ugu dheera masaafo ahaan ku qaaday Ruushka tan iyo intii uu socday dagaalka u dhexeeya labada dal kadib markii ay weerartay Warshad sifeeyo saliida oo Ruushku leeyahay.

Ukraine ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay qaraxyo ka fuliyeen warshad weyn oo lagu sifeeyo shidaalka oo ku taalla gobolka Bashkortostan ee dalka Ruushka, taaso masaafo ahaan u jirta dhulka Ukraine 1,500km, sida ay ku warrameen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP  oo xiganaya ilo-wareedyo sirdoonka.

Weerarkan masaafada dheer ee noqonaya howlgalkii u horreyay ee noociisa ah oo Ukraine ay ka gaysato dhulka Ruushka , ayaa tilmaam ka bixinaya suurtagalnimada waji cusub oo uu dagaalka galo.

Ruushka ayaa sheegay in hadii ay dhacdo in loo adeegsado hubka reer galbeedka Ruushka inuu u qaadanayo ku dhawaaqis dagaal, bartilmaameedyo sharci ahna uu u aqoonsan doono dalka hubkiisa loo adeegsado weerarrada.

PUNTLAND POST.

The post Ukraine oo weerarkii ugu masaafo dheeraa ka gaysatay gudaha Ruushka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this