Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo xirtay marinka Kerem Shalom kadib weerar laga soo qaaday Rafah oo ay askar kaga dhimatay

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture.jpg?resize=764%2C502&ssl=1

Israa’iil ayaa xirtay marinka Kerem Shalom ee Qaza kadib markii Xamaas ay gantaallo ka soo gantay aaggaas, kuwaas oo ay ku dhinteen askar Israa’iiliyiin ah.

Tirada askarta Israa’iil ee ku dhintay weerarka ayaa lagu sheegay ilaa saddex askari, iyadoo tiro kalena ku dhawaacantay weerarka.

Marinka ay Israa’iil xirtay ayaa ka mid ah waddooyinka yar ee la marsiiyo gargaarka bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunno iyo sahayda caafimaadka, ee dadka Qaza loogu tala galay.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay u muuqdaan in wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dalalka Masar iyo Qatar ay fashilmeen.

Labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas ayaana midba-midka kale ku eedeynayaa sababaha keenay in ay guuldaraystaan, wadahadalladan oo ujeedku ahaa in lagu gaaro xabad-joojin iyo siideynta maxaabiista labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo xirtay marinka Kerem Shalom kadib weerar laga soo qaaday Rafah oo ay askar kaga dhimatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this