Sign in to follow this  
Deeq A.

Kolombiya oo xidhiidhka u jartay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Gustavo Petro ayaa arrintan ku dhawaaqay xuska maalinta shaqaalaha adduunka 1da May oo Arbacadii shalay laga xusay magaalada Bogota ee caasimadda dalkaasi.

Madaxweynaha Kolombiya ayaa ku tilmaamay xukuumada Israel mid xasuuq ka wada Gaza, isagoo sheegay in ayna ogolaan doonin in iyagoo soo jeeda xasuuq lala beegsado shacabka Falastiin oo adduunka laga tirtiro.

Dalka Kolombiya ayaa dhawaan sheegtay inay dooneyso inay ku biirto kiiska dowlada Koonfur Afrika ka gudbisay Israel ee xasuuqa oo hada horyaal Maxkamada Adduunka ee ICJ. Dalkan ayaa sidoo kale noqonaya waddankii sadexaad ee dalalka Latinka ee xidhiidhka u jara Israel.

Wadamada Bolivia iyo Belize ayaa sannadkii hore xidhiidhka u jaray Israel kadib markii uu billaamay duulaanka Gaza.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this