Sign in to follow this  
Deeq A.

Barakac Xooggan oo Ka Bilowday Baladweyne iyo Saameynta Laga Qabo Isbedelka Cimillada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in roob xoog leh oo ka da’ay xalay ilaa shalay gelinkii dambe ay sababeen in xaafado ka mid ah magaalada laga barkaco, waxaana jirta cabsida laga qabo roobabka sii socda.


Xaafada Kooshin oo ka mid ah xaafadaha ugu waaweyn magaalada Beledweyne ayaa xalay laga seexin markii biyaha ay soo galeen qeybo ka mid ah guryaha.


Qoysas badan oo hurdayay guryahooda ayaa waxaa ay arkeen inay biyo soo galay guryahooda waxayna bilaabeen inay ka cararaan guryahooda.

Yuusuf Axmed oo ka mid ah dhalinyarada ku sugan Beledweyne ayaa yiri” Biyaha si lama filaan ah ayay hal mar guryaha u soo galeen, waxaa jira dukaamo biyaha ay galeen oo dadkii lahaa ay nafta kala carareen.”

Maryan Cabdi oo kasoo dhex muuqatay Muuqaal baraha bulshada soo galay oo ku saabsan dadka oo biyaha dhex socda ayaa tiri” biyaha qolkeena ayay noo soo galeen iyadoo carruurta hurdayaan, waxa ay aheyd arin lama filaan ah, hadda cidna waxyeelo masoo gaarin balse wixii hanti guriga taallay waan kasoo cararnay”

Xaaladda ka jirta Beledweyne wali laguma tilmaami karo fatahaad balse waxaa jiray cabsi xooggan markii biyaha Wabiga ee magaalada ay sare u kaceen.

Dadka kunool degmada Beledweyne oo inta badan ay saameeyaan fatahaadaha ayaa si weyn u feejigan,iyadoo xalay dhalinyaro badan ay u gurmadeen xaafadaha ay biyaha saameeyeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this