Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qoraal cusub soo saaray – Maxaa ku qoran?

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta soo saaray qoraal, kaasi oo ku saabsan munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May.

Madaxweynaha ayaa marka hore dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, isaga oo ayaa tilmaamay muhiimada ay shaqaalaha Soomaaliyeed u leeyihiin dowladnimadeena.

Waxa uu xusay in dowladda ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar-geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalk.

Sidoo kale waxa uu faray dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u xoreynta iyo horumarinta dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, dowlad-dhiska iyo difaaca Qaranka, isaga oo u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo qoraal cusub soo saaray – Maxaa ku qoran? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this