Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Maxay Sababta Dalalka laga Mamnuucay WhatsApp Wali looga isticmaalo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Tobanaan milyan  oo dad ah ayaa isticmaalaya habab farsamo si ay si qarsoodi ah u galaan WhatsApp-ka dalalka laga mamnuucay sida uu warbaahinta u sheegay madaxa qeybta farriimaha ee Shirkadda, iyadoo WhatsApp  ayaa laga mamnuucay dalalka Iran, Waqooyiga Kuuriya iyo Suuriya’ Shirkadda ayaa aaminsan in dadka ay isticmaalaan hab ka dhigaya in ay jooggaan dal kale Sida VPN iyo wixii la mid ah,

Dalal  kale, oo ay ku jiraan Qatar,Shiinaha Masar, Jordan iyo Imaaraadka Carabta, ayaa xaddiday isticmaalka WhatsApp sida wicitaannada codka. Laakiin WhatsApp waxay arki kartaa halka ay isticmaaleyaasheeda run ahaantii ku sugan yihiin, iyada oo ay ugu wacan tahay lambarada telefoonadooda ee diiwaangashan.

“Waxaan haynaa warbixino badan oo la yaab leh oo ku saabsan dadka isticmaala WhatsApp,tobonaan milyan ayaa wali isticmaalaya meelihii la xannibay , waxa aan sameyn karno ayaa ah inaan eegno qaar ka mid ah dalalka dadka ay kasoo galayaan balse wali si ka duwan sidii aan fileynay ayaa loo isticmaalaya, ,” Mr Cathcart ayaa u sheegay BBC News.

Maxay tahay sababta ay wadamada qaar u xannibaan WhatsApp-ka?

Wadamo badan ayaa xanibay WhatsApp, intooda badan waxa ay ku eedeeyeen in Shirkadda ay halis ku tahay amniga qaranka. Waxaa sidoo kale ku adag in lala socdo dhaqdhaqaaqa dadka isticmaalaya, xilli ay ku isticmaalaan aaladaha internet-ka aan xadidid, dalalku ma fiiriyaan baahida shacabka ee Whats AP-ka.

Dowladdaha ayaa ku andacoonaya in xannibaadda app-ka ay fure u tahay ilaalinta jawi siyaasadeed oo xasilloon oo ammaan ah iyo xaqiiqda. Balse mucaaradka dalalkaasi ayaa sheegay in la doonaayo in lagu caburiyo siyaasadood dhanka xiriirka bulshada.

Sidoo kale wadamada qaar ayaa ku sifeeyay mamnuucitaanka WhatsApp si ay u horumariyaan warshadahooda isgaarsiinta. Tallaabadan ayaa sida caadiga ah la filayaa inay sare u qaaddo dakhliga dawladdaha mustaqbalka fog.

Haddii aad u safrayso wadamada laga mamnuucay WhatsApp-ka maxaa kuu xal ah?

Haddii aad ku nooshahay ama aad u safrayso waddan laga mamnuucay WhatsApp, waxaa jira war wanaagsan:, Waxaad isticmaali kartaa shabakad khaas ah oo lagu magacaabo (VPN). VPN waa App kaa dhigaya in aad iska dhigto in aad joogto dal kale ka dibna telkaaga ku xirato. Waxaad awood u yeelanaysaa in aadan dareemin xanibaada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this