Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Deegaanka oo Koonfur Galbeed Ku Qabtay Nin Ka Tirsanaa Sirdoonka Al-shabaab ee Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada deegaanka ee koonfurta gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ahaa madaxii sirdoonka ee kooxda Alshabaab, kaas oo lagu magacaabo Farxaan Shalaange, waxaana la sheegay in uu sahan u ahaa kooxda, asagoo lagu qabtay duleedka deegaanka Bacaadweyne.

Ciidamada fuliyey howlgalka lagu qabtay ninkaan waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Gurey Nuur oo ah taliyaha ciidanka Macawiisleyda ah ee ka howlgala aagga deegaanka Bacaadweyne, dadka deegaanka ayaa ciidanka ku garab siiyey soo qabashada ninkaan oo ku howlanaa uruurinta xogta ciidanka ka howlgala deegaanadaas.

Howl-galada ay wadaan ciidanka xoogga iyo deegaanka ayaa ka socda deegaanno badan oo gobollada dalka kamida, waxaana bilihii la soo dhaafay aad u kordhay tirada xubnaha Alshabaabka ah ee dowladda isku soo dhiibaya ama ay ciidanku soo qabanayaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this