Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Ma Aqbalayno in markale aan ku laabano Doorashadii Teendhada”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho, 30, Abriil 2024:- Ra’iisul DFS Xamse Cabdi Bate ayaa  Daahfurka Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta soomaaliya.

Xamse ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumadda uu hogaamiyo ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray”.

FB_IMG_1714474363938.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1714474307060.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1714474322930.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1714474317674.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1714474347174.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1714474349313.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1714474339214.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST.

The post Ra’iisul Wasaare Xamsa “Ma Aqbalayno in markale aan ku laabano Doorashadii Teendhada”. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this