Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Laga Fasiran Karaa Hadalkii Wasiirka Gaashaandhigga ee Ku Saabsan Duruufaha Ciidanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wareysi uu dhowaan bixiyay wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur jaamac ayuu kaga hadlay duruufta iyo nolosha adag ee ay ciidanka xoogga dalku ku shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa si caro leh uga war-celiyay qaar kamida weydiimihii wareysiga, wuxuuna sheegay inaan shaqada Wasaaradda iyo midda ciidankuba ahayn is qurxin iyo raaxo, balse dayaca iyo duruufka askarta ka muuqataahi ay tahay astaanta howsha adag ee ay hayaan, askari walibana markii uu ciidanka ku soo biirayay u soo doortay dhimasho, dhaawac, iyo dacdarro.

Hadalka wasiirka oo ku soo beegmay xilli ay taagantahay hadal-heynta Raashinkii ciidanka danab oo ay Wasaaraddu dhowaan shaacisay in la musuqmaasuqay ayay falanqeeyayaasha iyo xeeldheerayaasha amnigu siyaabo kala duwan u fasireen.

Inkastoo la oran karo jawaabaha uu bixiyay qaarkood weero badan oo caro leh ayaa ku jiray, haddana lafa-gurayaasha qeyb kamida ayaa dura siyaasadda guud ee Wasaaradda, waxayna ku doodayaan in musuqmaasuqa raashinka ciidanka iyo dayacaado kaleba ay isla xisaabtan la’aan ku yimaadeen.

Sidoo kale waxaa dhaliil loo jeedinayaa hannaanka wada shaqaynta ee madaxa Wasaaradda iyo taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan wasiirka iyo taliyaha oo xariirkooda shaqo shaki laga muujinayo.

Si kasta ha ahaatee waxaa masuuliyiinta Wasaaradda horyaalla weydiimo adag oo ku saabsan lunsashadii Raashinka ciidanka, iyo mushaarkii ay dowladda Imaaraadku siin jirtay cutubyo ka tirsan xoogga dalka oo la joojiyay, taasoo sababteeda loo aanaynayo fal-celinka dhalatay hab-maamulka hoggaanka Wasaaradda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this