Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda gobolka oo go’aan ka gaartay kiiska Taliyaha booliska garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
440932514_920354060131201_13864505365420

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan kasoo saartay kiiska loo haystay Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde G/dhexe Cabdifitaax Bashiir Cali.

Maxkamadda ayaa sheegtay in wax dambi ah ku weysay taliyaha, ayada oo horey loogu soo eedeeyay in uu horyimid garsoorka, uuna diiday inuu joojiyo dhul lagu muransan yahay oo markaas la sheegay in sifo sharci darro ah looga dhisanayo xeyndaabka garoonka Aaddan Cade ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa xustay in Gaashaanle Dhexe Cabdifataax Bashiir Cali uu horyimid maxkamadda gobolka Banaadir maalintii shalay aheyd, islamarkaana wax laga waydiyay kiiska loo haystay.

“Maxkamadda waxaa u cadaatay in uusan wax lug ah ku lahayn kiiska lagu eedayay,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ee la xiriira kiiskan.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Maxkamadda ayada oo cuskaneysa asbaabta sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka kumeel-gaarka gudaneysana waajibka saaran ee ku xusan qod 76,77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedka ciqaabta ah ee sumadiisu tahay MGB/DCL/576/2024.”

Maxkamadda ayaa sidoo kale baabi’isay waaranka soo qabasho ee 25-kii bishaan loo jaray Taliye Cabdifataax Bashiir Cali. Waxaana go’aanka la gaaray maanta oo taariikhdu tahay 29/04/2024.

Maxkmada gobolka Banaadir ayaa Taliyaha horey ugu yeertay, ayada oo sheegtay inuu ka dhago adeygay inuu horyimaado, balse ugu dambeyn shalay ayuu hortegay maxkamadda, waxayna maanta sheegtay in aan waxba loo haysan ninkaan, laguna waayey eeda horey loogu jeediyay.

440434905_920354090131198_36381724953968

440487453_920354053464535_20470285273388

The post Maxkamadda gobolka oo go’aan ka gaartay kiiska Taliyaha booliska garoonka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this