Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qeygalay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Qaaradda ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

“Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay’adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhabbaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay tahay waxaan sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijanyo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirri-gelintiisa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this