Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo shir muhiim ah uga qeyb-galay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
440943930_920278920138715_17350789224277

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb-galay shir muhiim ah.

Shirkaan oo ah kii 21-aad ee hay’adda horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda IDA.

Kulanka ayaa madaxda ka qeyb-gashay ay diiradda ku saarayaan horumarinta iyo maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa, iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Shirkaan ayaa waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana inay hesho maal-galin caalami ah.

Dowladda ayaa maal-gelintada caalamiga u raadinaysa, si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib-u-habeynta maaliyadda, taasi oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo daba-yaqaada sanadkii hore ee 2023-ka si rasmi looga cafiyay deyntii uu caalamka ku lahaa.

440818417_920278903472050_70511467314128

440962461_920278893472051_26459794074171

440943930_920278920138715_17350789224277

440971807_920278906805383_14171501102663

440807815_920279000138707_86970770482115

440948168_920278960138711_34164487495871

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo shir muhiim ah uga qeyb-galay Nairobi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this